Damaca Muddo Kordhinta Deni & Cakirnaan Siyaasadeed ee Puntland..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaanada Puntland ayaa sheegaya in Maamulka ayaa wajahaya Shaqaalihii iyo Ciidamada oo aan lasiinin mushaaraadkii muddo dheer, Maqnaanshaha Dani iyo cakirnaan siyaasadeed kadib hubanti la,aan la xiriirta doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtooyada, xilli mudada xil heyntiisa ay ka dhiman tahay afar bilood – 120 maalmood…

Wararka ayaa xaqiijinaya in dhammaan Shaqaalaha iyo Ciidamada kala duwan ee dowladda aysan wax mushaar ah qaadan in ka badan lix bilood, Maamulka Deni ayaa taariikhda Puntland ku gashay Nidaamkii u horraysay ee mudda lix bilood oo xiriir ah aan bixin wax xuquuq iyo mushaar ah, ku darsoo muddo laba bilood ah ayuu Dubai ku sugan yahay.

Dhanka kale, waxaa jahwareer ka taagan yahay nooca ay noqonayso doorashada, xili Madaxtooyadu qalaaalineyso in Xildhibaannada taageersan ay socod siiyaan damaca Siciid Deni ee ah helista muddo kororsi hal sano ah, oo uu kusii joogo xafiiska, iyadoo lagu andacoonayo qabashada doorasho dadweyne.

Dhanka kale, Kooxaha Mucaaradka degaanka ayaa lahayn Gole ay ku mideysan yihiin oo ay ku wajahayaan hamiga Deni, Siyaasiyiinta goofka Xarunta Garoowe ayaa ah hada cidda ugu wayn ee u muuqata mucaaradka uu sii wajahayo maalmaha soo socda, doodda ay qabaan ayaa ah helista taraha saddex geesoodka ah ee Puntland kusoo jirtay 25 sano ee ay jirtay.

277910cookie-checkDamaca Muddo Kordhinta Deni & Cakirnaan Siyaasadeed ee Puntland..