Dad rayid Ah Oo Lagu Rasaaseeyay Degaanka Qalanqale

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya falal amni darro oo ka dhacay degaanka Mareergur oo dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, iyadoo sheegayaan xalay halkaas uu ka dhacay weerar ay dad rayid ah ugu geysatay koox hubeysan….

Wararka ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan oo wadatay gaari kuwa raaxada ah ayaa rasaas ku furtay dad shacab ah oo ku sugnaa goob maqaaxi ah, sida ay noo sheegeen dad ku sugan Mareergur, waxaana falkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, inta la hubo 7- qof ayaa ku dhaawacmay, iyadoo hal qof uu ku geeriyooday, kooxdii weerarka geysatay ay goobta isaga baxsadeen.

Dhaawacyada ayaa loo soo qaaday isbitaalada magaalada Dhuusamareeb, waxayna shaqaaqadan dhacday xilli deegaanka Qalaan-qalle oo waqooyi galbeed uga beegan Mareergur lagu dilay nin oday ah salaadii Makhrib kadib ee xalay.

Degaanka Qalanqale horay waxaa uga taagnaa xiiday u dhaxeysay laba beelood oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana saakay ka jirta cabsi xoog leh oo laga qabo inay dagaalamaan labada maleeshiyo beeleed.

58920cookie-checkDad rayid Ah Oo Lagu Rasaaseeyay Degaanka Qalanqale