Danaha Dahsoon & Saameyntooda Ganacsi/Iibinta Hubka ee Turkiga Ka Leeyahay Qaarada Africa..

Africa News World

20-kii sano ee Talada Turkiga ay hagaayeen Xisbiga AKP ee Hogaanka Siyaasada Dalkaasi, waxey xoojiyeen Jogjitaanka iyo Saameyntooda Ganacsi/Iibinta Hubka, iyagoo 4-Jibaaray Xarumaha Safaaradaha Turkidu ku leeyihiin Qaarada Africa, dhaqdhaqaayadaan ayaa yimid xilli ay Danihii Dalalka Reer Galbeedka gabaabsi ka yihiin sababo la xiriira Siyaasad xumidooda ku dhisan Afkaarta ay ka dhaxleen Abayaashood..

Dalka Turkiga ayaa Shirkadooda Diyaaradaha ee (Turkish Airlines) ayaa ka digta 62-Magaalo oo Qaarada Africa ka tirsan, wuxuuna Sanadahaan dambe wanaajiyay xiriirka Ganacsi ee Qaarada, isagoo heshiisyo Difaac la saxiixday Dalalka Ethiopia, Kenya, Ghana, Libya, Nigeria & Somalia, Heshiisyadaan ayaa albaabada u furay Shirkadaha Ganacsiga iyo Warshadaha Farsameeya Qalabka Drones-ka iyo Gadiidka Militeriga Turkiga iney qandaraasyo ka qaataan Dalalka Chad, Niger, Burkino Faso, Togo iyo Mali.

Turkiga ayaa sidoo kale balaaronaaya danihiisa dhanka Tamarta iyo Baarista Shidaalka ee Qaarada Africa, iyadoo lagu wado in Bilaha Septembar iyo Octobar ee Sanadkaan ay qorsheynayaan in xeebaha Somalia ka bilaabaan howlgalo Shidaal Baaris ah oo la mid ah midka uu ka wado Dalka Libya, iyadoo Turkigu la sheegay iney aad u daneynayaan sidii ay keydka Yuraaniyuumka Dalka Niger baaris uga bilaabi laheyd si ay ugu hesho Warshadeeda cusub ee uu Russia ka dhiseyso Dalkeeda.

Hey’adda Macarif ee qaabilsan dhanka Waxbarashada Diiniga ah ee Turkiga ayaa balaarisay isku xirka xiriirka 140-Dugsi iyo Machadyo ay wax ku bartaan in ka badan 17,000 Arday iyo 600,000 ay yihiin Arday ka soo jeeda Qaarada Africa kuwaasoo wax ka barta Jaamacadaha iyo Dugsiyada Islaamiga, waxey kaloo kordhiyeen Dhismayaasha Masaajida iyo Dugsiyada Waxbarashada Diiniga ah ee Qaarada Africa, ku darsoo 49-Dal oo Africa ah ayaa Dugsiyadooda laga bartaa Luqada Turkiga.

336830cookie-checkDanaha Dahsoon & Saameyntooda Ganacsi/Iibinta Hubka ee Turkiga Ka Leeyahay Qaarada Africa..