Dalal Africa Oo Oggolaaday Qaxootiga Afghanistan

Africa News

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa In Dowladda Federaalka, Maamulka Hargeysa ayaa la sheegay iney oggolaadeen mabad ahaan in wada hadal laga galo hadii Tiro ka mid ah Qaxootiga ku sugan Dalalka Khaliijka iyo Afghanistan la keeni karo Somalia…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Maamulka Hargeysa ay oggolaadeen in mabda’a ahaan in si KMG ah loo keeno Qaxootiga laga keenaayo Dalka Afghanistan iyo kuwa kale lagu hayo Dalalka UAE iyo Qatar, sarkaal ka tirsan Maamulka Hargeysa ayaa sheegay wada hadaladaan ay bilow yihiin.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale wada xaajood kula jirta Dowladda Uganda Qaabilaada Qaxootiga Afghanistan, iyadoo 51-qof oo Qaxooti ah maalintii Arbacadii ka dejisay Magaalada Kampala, kuwaasoo isugu jira Rag, Haween iyo Caruur, iyadoo maalmaha soo socda qaxaati badan (2000) la geyn doono Dalka Uganda.

Dhanka kale Dowladda Ruwanda ayaa oggolaatay iney dalkeeda dejiso 250 Arday Gabdho ah kuwaasoo Waxbarashada ka waday Dugsi ku yaal Dalka Afghanistan, waxaana ku wehliya Macalimintooda iyo Shaqaale sheegay ay u sii wataan Waxbarashadooda.

137700cookie-checkDalal Africa Oo Oggolaaday Qaxootiga Afghanistan