Maxaa Keenay in Taliye Saldhig Boliis uu Weeraro Xarun Caafimaad..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerar uu Taliye Saldhigg Boliis uu xalay ku qaaday Isbitaalka Mogadishu General xalay xilli dambe, iyadoo ay ka dhasheen khasaare isugu jira Dhaawacyo kala heer ah, iyadoo Sarkaalkaan uu watay ilaalo hubeysan..

Warbixin uu soo saaray Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Mr.Cilmi Yuusuf ayaa sheegay in 1:00 Habeennimo ay weerar kusoo qaadeen isbitaalka ciidamo uu wato Taliyaha Booliska degmada Waaberi Cismaan Jareere oo markii hore u socday qof bukaan ah, balse markii dambe weerar ka geystay isbitaalka markii ilaalada Isbitaalka ay ka dalbadeen inuusan hub iyo ilaalo la gelin Isbitaalka.

Maamulka Isbitaalka ayaa xaqiijiyay in Taliye Cismaan Jareere iyo ilaaladiisa jirdil ku sameeyay ilaalada iyo Shaqaalaha Isbitaalka, isla markaana ay qaateen qalabkii CCTV Camera iyo Mobile, maamulaha sheegay inay isbitaalka yimaadeen ciidamo Boolis iyo NISA isugu jira oo oo uu la socdo Taliye Jareere, kadibna ay wateen shaqaale ka tirsan isbitaalka oo ay ku xireen Saldhigga Booliska Howlwadaag, markii ay ka daba tageenna uu diiday inuu sii daayo.

321210cookie-checkMaxaa Keenay in Taliye Saldhig Boliis uu Weeraro Xarun Caafimaad..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *