Xubno lagu Eeedeeyay inay Xiriir la leeyihiin Kooxda Daacish ee Somalia oo lagu qabtay Magaalada..

World

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Xubno lagu Eedeeyay iney xiriir la leeyihiin kooxda Argagixisada Daacishta Somalia ayaa lagu qabtay Magaalada Stockholm ee Dalka Sweden sida ay sheegeen ilo wareedyo loo qaateen oo ku dhow Sirdoonka Sweden (Säpo)..

War ay soo saareen Hey’adda Sirdoonka ayaa lagu sheegay in afarta Eedeysane looga shakisan yahay iney u diyaar garoobeen fulinta dembiyo argagixiso, lama shaacin xog ku saabsan magacyadooda iyo macluumaad kale oo la xiriira meelaha bartilmaameedka u ahaa weerarada ay abaabulayeen kooxdaani.

Xaalada amaan ee dalkaas ayaa sii xumaanaysay bilihii lasoo dhaafay kadib markii dalka Sweden gudihiisa lagu gubay qur’aanka kariimka ah iyo mudaaharaadyo ka dhacay dunida Muslimka, Dowladda Sweden ayaa bishii Agoosto ee la soo dhaafay sare u qaaday heerka khatarta argagixisanimo oo ay ka dhigtay mid sare.

Dalka Sweden, Soomaali badan ayaa ku nool, kuwaasoo ay saameeyeen sharciyada amni ee uu dhawaan dalkaasi soo rogay, talaabadan ayaa ugu wacan khatarta weerarrada ka imaanaysa jilayaasha ku jira kooxaha islaamiyiinta sheegta ee rabshadaha wata, kuwaasoo kordhay sanadkii la soo dhaafay.

313640cookie-checkXubno lagu Eeedeeyay inay Xiriir la leeyihiin Kooxda Daacish ee Somalia oo lagu qabtay Magaalada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com