Hey’adaha Amniga & Mas’uuliyinta Dowladaha Ethiopia & Somalia oo lagu Eedeeyay iney ka Gaabiyeen Xakameynta Dilalka…

Africa News Somalia news

Waxaa Sanooyinkii ugu dambeeyay aad ugu soo kordhay Aanooyinka Beelaha wada daga Degaanada hoos yimaada Maamul Goboleedka Galmudug kuwaasoo intooda badan ka dhaca deegaannada miyiga ah ee Gobolka Galgaduud iyo Degaanada Xadka ku teedsan ee Kilinka Soomaalida Ethiopia..

Dhibaatadaan ayaa la sheegay in Dilalkii ugu dambeeyay ay ka dhaceen degaanka Qorof oo hoos taga Dhabad oo 5-Caruur ah oo dugsi qur’aan dhiganaayau kana soo jeedaan Beesha Cabudwaaq lagu dilay waxaana lagu tuhmaayaa Maleeshiyo beeleed ka soo jeeda Beesha Degmada Cadaado iney ka dambeeyaan, Caruurtaan ayaa la sheegay iney ka soo noqdeen Xaflad Aroos, iyadoo kan ugu weyn uu 14-sano jiray.

Hey’adaha Amaanka iyo Maamulada dhisan ayaa lagu eedeeyay iney ka gaabiyeen wax ka qabashada Fakalka guracan ee Maleeshitaadka beeleed ay geysanayaan, ku darsoo Odayaasha Dhaqanka ee ee deegaannada inta badan laga diiwaangeliyay dilalka aanooyinka ka dalbadeen Hay’adaha Amniga iney soo qabtaan gacan ku dhiiglayaasha dilkaaan geystay.

270990cookie-checkHey’adaha Amniga & Mas’uuliyinta Dowladaha Ethiopia & Somalia oo lagu Eedeeyay iney ka Gaabiyeen Xakameynta Dilalka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com