Degaano Badan Oo Wabiga Jubba Maro Oo ku Biyihu Ku Fataheen Xaalad Cakirnaan ah oo Ka Jirta..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Wabiga Jubba maro ayaa ku fatahay waxaana ka mid ah Degmooyinka Luuq iyo Doolow, fatahaada ayaa bilaabatay shalay balse waxaa la soo sheegayaa iney xalay iuo saakay ka sii dartay…

Wararka ayaa sheegaya in Biyaha Webiga oo dacalada jabsaday ay galeen Xaafadaha labada degmo halkaasoo ay ka geysteen khasaare kala duwan, Sidoo kale, biyo aad u fara badan oo ka yimid Webiga ayaa Xalay cagta mariyey beero badan oo ku yaallay labadaas degmo, kuwaasoo ay ku yaaleen dalagyo kala duwan oo khasaare xoogan uu soo gaaray.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro Barakac bslaaran oo boqolaal qoys oo ku nool xaafadaha degmooyinka Luuq iyo Doolow, kuwaasoo aan garaneyn meel hoy ka dhigtaan, iyadoo biyaha webiga ay dhinac walba ka yimaadeen, Degmada Baardheere oo ka tirsan isla gobolka Gedo ayaa sidoo kale saacadihii la soo dhaafay waxaa si weyn ugu fatahay webiga Jubba halkaasoo uu ka geystay barakac balaaran iyo khasaarooyin kale.

285610cookie-checkDegaano Badan Oo Wabiga Jubba Maro Oo ku Biyihu Ku Fataheen Xaalad Cakirnaan ah oo Ka Jirta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com