Wasaarada Amniga oo soo saartay Wareego ku Socota Dadka iyo Shirkadaha heysta Hubka..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qoraal ay soo saartay Wasaarada Amniga oo soo saartay Amar ku socda Dadka iyo Shirkadaha heysta Hubka, iyagoo u qabtay muddo cusub oo ay ku diiwaan geliyaan Hubka ay ku heystaan Xarunaha Caafimaadka, Shiradaha Ganacsiga, Isgaarsiinta, Xawaaladaha iyo Bangiyad..

Qoraalkaan oo shalay uu soo saaray Wasiiru Dowlaha Amniga Xildhivaan Maxamed Cali, ayaa lagu yiri, ”Xafiisyada ay warqadani sida tooska ah ugu socoto waxaan idinku wargalinayaan inay nagala shaqeysaan sidii ay Hay’adaha iyo Shirkadaha ka shaqeeya Amniga iyo Xarumaha gaarka loo leeyahay sidii ay isku soo diiwaan galin lahaayeen hubka ay haystaan muddo 15 maalmood guddahood ah”.

Amarkaan ayaa si toos ah ugu socda Hay’adaha iyo Shirkadaha ka shaqeeya Amniga oo ah kuwo ilaalo ahaan ay u kireystaan ajaaniibta Dalka soo booqata iyo xarumaha gaarka loo leeyahay oo ay ku jiraan Xarumaha Xawaaladaha, Isgaarsiinta, ee Ganacsiga, Caafimaadka iyo kuwa kale.

285570cookie-checkWasaarada Amniga oo soo saartay Wareego ku Socota Dadka iyo Shirkadaha heysta Hubka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com