Dhacdooyinka Argagax leh ee Anooyinka Xambaarsan Ee Gobolada Dhexe & Dareen La’aanta Dowlada Federaalka…

Somalia news

Maamulada Galmudug & Puntland ayaa farta lagu godaa iney u nugul yihiin amni darrada horseeda iney kordhaan isku dhacyada Beelaha, hoos u dhaca Argagixiso la dirirka iyo Abaabulada kooxaha Burcad badeedka, Tahriibka, ka Ganacsiga Hubka sharci darrada ah, Kufsi wadareedka iyo ka qeyb qaadashada Haweenka ee Dagaalada sokeeye..

Waana xaqiiq in Maamulada Galmudug iyo Puntland iney ka gaabiyeen wax ka qabashada dhacdooyinka argagaxa leh (Muqaalo la duubay) ee Aanooyinka Beelaha xambaarsan ee ka dhacay Maalmihii ugu dambeeyay degaanada Galdogob (Mudug) iyo Cabudwaaq (Galguduud), kuwaasoo barakiciyay Dadka Rayidka ah halka kuwa kale Dil iyo dhac loo geystay.

Dowladda Federaalka waxaa ka saaran Mas’uuliyad iney soo fara geliso waxna ka qabto Kooxaha baahinaaya Muqaalada video-yda ah ee Ficiladaasi iyo kuwa abaabulaaya kala fogaashaha Dadka ood wadaagta/wada dhashay ah, Dhacdooyinka u dhaxeeya Beelaha wada dega Degaanada kor ku xusan ayaa kordhay todobaadkii ugu dambeeyay, iyadoo Xoogaga Amaanka ee Maamulada Galmudug iyo Puntland ka gaabiyeen iney xakameeyaan xaaladaha ka taagan Degaanadaasi.

Waa ayasn darro in Sanadka 2024-ka ay Shacbiga Soomaaliyeed ay weli ku dhex jiraan Dad u hamuun qaba abaabulka Dagaal sokeeye oo Dhul balaarsi ujeedada ka dambeysa ay tahay, waana Garaad xumo iyo in aan weli laga korin ficilada noocaan oo kale ah, ayna jiraan Siyaasiyin Danley ah oo Dhinco siyaasadeed ka raadinaaya Beelaha is-dilaaya, waana iney Dowlada Federaalka si adag go’aan uga soo saarto Xakameysana in Colaadaasi faafto.

326330cookie-checkDhacdooyinka Argagax leh ee Anooyinka Xambaarsan Ee Gobolada Dhexe & Dareen La’aanta Dowlada Federaalka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com