Ethiopia Oo Cabasho ka Keentay Suuqa Qaadka ee Somalia oo Kenya loo Sad-Buursiiyay..

Africa News Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Tallaabo ka tarjumaysa xiisadaha ka Ganacsiga Qaadka ee sii xumaanaya, iyadoo Maamulka Abiy ee Ethiopia oo cabasho rasmi ah u gudbisay Maamulka Villa Somalia, waxeyna cabasho ka muujiyeen walaac xooggan oo ku aadan waxa ay u aragto in Kenya ay keligeed loo xiro oo maamusho suuqa Qaadka Dalka…

Maamulka Addis abeba ayaa aaminsan in suuqan hadda la sameeyay uu Kenya siiyay macaash aan caddaalad ku dhisneyn, taasoo u muuqata in laga eexday ganacsiga Qaadka Ethiopia ee suuqa Somalia, Khilaafkaan oo soo tagnaa muddo sanad ah wuxuu ku saabsan yahay ganacsiga faa’iidada leh, taas oo saameyn dhaqaale oo muhiim ah ku leh labada waddan ee ku lugta leh. Labada Dal  Ethiopia iyo Kenya ayaa ah kuwa ugu badan ee qaadka u dhoofiya Suuqyada Somalia, tartankooda ku aaddan helitaanka suuqa iyo qiimaha ayaa noqday qodob muhiim ah oo ay isku hayaan.

Xaaladan cakiran ayaa Saraakiisha Ethiopia ku abuurtay niyad jab iyo quus, taasoo keentay inay arrintu si rasmi ah u galaan, Maamulka Xasan Gurgurte isagoo ka jawaabaya Cabashada oo loo mariyay wadada diblomaasiyada ayaa wuxuu qaaday tallaabooyin, isagoo wakiillo uu ku kalsoon yahay u diray Addis Ababa si ay wada-xaajood degdeg ah uga yeeshaan xiisada Qaadka ka dhashay.

Intii uu socday wada-hadallada, wakiillada Villa Somalia waxay damceen inay ku qanciyaan madaxda Ethiopia inay ogolaadaan in 10-maalmood la oggolaado iney Suuqyada soo geliyaan Qaakooda, iyadoo hadafka ugu dambeeya uu yahay 15-maalmood oo tartan ah, oo la mid ah hab-dhaqanka suuqa ee Kenya, soo jeedintaas oo ay saraakiisha Ethiopia sameeyeen weli aan lagu heshiin.

Xiisada u dhaxeysa Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa tan iyo markii ay cirka isku shareertay gaartay heerkii ugu sareeyay, inkastoo arrintu  saameyn weyn ku leedahay Danaha labada Dal ee deriska ah, iyadoo Somalia ay wajaheyso caqabado gaar ah marka loo eego saameynta ay Ethiopia ku leedahay arrimaha amniga iyo siyaasadda Maamulada Gobolada Dalka, waxeyna Maamulka Villa Somalia ka cabsi qabaan in dhibaatada weyn oo ay u badan tahay in ay Dowladu ku kaliftay in ay si dhab ah uga fiirsato sidii xal loo gaari lahaa.

269330cookie-checkEthiopia Oo Cabasho ka Keentay Suuqa Qaadka ee Somalia oo Kenya loo Sad-Buursiiyay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com