Share the post "Dhalanyaradii Tababarka Ugu Maqnaa Eritrea Oo Dib Loo Soo Celinaayo"
Warbixino hordhac ah ayaa laga helayaa Dhalinayaradii ku maqneyd Tababarada Dalka Eritrea kuwaasoo lagu wado in horaanta Bisha February Dib loogu soo celin doono Magaalada Mogadishu, waxaana la sheegay in loo diyaariyay dhowr xero Oo dagaan ahaan loo dejinaayo..
Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in tirada guud ee Ciidamadaan ayaa lagu qiyaasay ilaa 7000 oo Askari kuwaasoo u kala baxa 5500 oo Noqonaaya Ciidamada Xoogga Dalka iyo 1500 oo isugu jira Boliis iyo Nabadsugid, iyadoo Hal Guuto oo ka mid Waxaa la sheegay in loo tababaray Ciidamada Badda kuwaasoo lagu Qalabeeyay 12-doomood oo hubeysan, Guutadaan ayaa la filayaa xaruntooda ay noqoto Magaalada Mogadishu, iyagoo sidoo kale Ka howl geli doona xeebaha Jubooyinka, Gobolada Dhexe, Puntland iyo Waqooyiga Somalia.
Qeybta Ciidamada Xooga Dalka ayas lagu wadaa in la dejiyo Xerada Ciidamada Gordon, waxaana loogu talo galay iney isku furaan Wadada Mogadishu-Beydhabo, Waxaa gunnada ay ku howlgalayaan oo dhan 300 US$ bixin doonta Maamulka Dooxa Sida xogta lagu helay, waxeyna Dhanka gunnada kala sinmi doonaan kuwa Gorgor oo Gunnadooda oo 300-US$ waxaana bixiya Dowladda Ankara (200-US$) halka Maamulka Fashilmay Farmaajo ayaa bixiya 100-US$.
Midowga Musharixiinta ayaa Walaac ka muujiyay dib u soo celinta Ciidamadaan, iyadoo xiligaan kala guurka ah Ee Doorashada Dadban ka socota, waxaana la sheegay Farmaajaha Fashilmay laga cabsi qabo inuu u adeegsado muquuninta Kooxaha Mucaaradka iyo Xafiisyada Wasiirka 1-aad bacdamaa aan wax xog laga laga siinin soo noqoshada Dhalinyaradaan.