Wiil La Dhashay Agaasimihii hore ee NISA Oo Mogadishu lagu Dilay & Tuhumo…

Somalia news

Koox aan heybtooda la aqoon ayaa xalay magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Yaqshiid ku dilay Nin dhallinyaro ah oo la dhashay Agaadimihii hore ee Hay’adda Nabadsugida haddana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Yaasiin Cabdullaahi Farey…

Warar aan la xaaiijin ayaa tilmaamaaya in Koox ka tirsan Hay’adda NISA ayaa lagu tuhmayaa in ey ka dambeeyeen dilka Marxuum Cabdi Cabdullaahi Maxamuud oo isna ka tirsanaa Xoogag NISA, dilkaan ayaana dhacay xalay saqdii dhaxe xilli dadka badi hurdayeen.

Saraakiisha Hogaanka Baarista ee NISA ayaa bilaabay Baarista Kiiskaan Dilka iyadoo lagu tuhmayaa iney ka dambeeyeen dilka Cabdi Cabdullaahi Maxamuud xubno ka tirsanaa Xoogaga NISA, Qoyska wiilka la dilay ayaana ka codsaday Hogaanka Hey’adda NISA in la cadeeyo cidda ka dambeysaydilka wiilkooda kahor inta aan la duugin, waxa ayna dalbadeen in caddaalada la horkeeno dadkii dilkaasi ka dambeeyay

306400cookie-checkWiil La Dhashay Agaasimihii hore ee NISA Oo Mogadishu lagu Dilay & Tuhumo…