Dhalinyaradii Tababarada Loogu Qaaday Eritrea Oo Qaarkood Dib Loo Soo Celinaayo

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Dhalinyaro tiro badan oo Tababaro qarsoodi loogu qaaday Dalka Eritrea bilowgii sanadkii 2019-kii ayaa la filayaa in dib Dalka loogu soo celiyo qaarkood kuwaasoo muddo ku dhowaad 2-sano Tababaro ugu jiray xero ku taal duleedka Magaalada Asmara….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Dhalinyaradaan oo ay si qarsoodi ah u qoratay Hey’adda NISA ayaa la sheegay in dhowaan laga diiwaan gelin doono Wasaarada Gaashandhigga, waxaana tiradoodu u dhaxeysa 3000-7000 oo leyli-Askari, iyadoo Dhalinyaradaan qaarkood dib loogu soo celin doono Magaalada Mogadishu dhowaan.

Waxaa kaloo mugdi ku jiraan in Tiro badan oo Dhalinyaradaan ah ay sii joogi doonaan xerada Tababarada kuwaasoo la sheegay ineysan weli u Dhamaanin Tababarada Sida ay sheegeen Dhalinyaradaan oo waalidkood la soo xiriiray, iyagoo intaasi raaciyay in dhowaan ay booqasho ku tegi doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ee xil gaarsiinta.

Iyadoo aysan Dowladdu aysan wax faahfaahin ah weli ka bixin sida qarsoodiga ah Tababarada loogu qaaday Dhalinyaradaan oo qaarkood been loo sheegay in Dalka Qatar la geyn doono, Waxaa kaloo hareeyay sheekooyinka tilmaamaya iney ka qeyb qaateen dagaaladii lagu qaaday Gobolka Tigray Ee Dalka Ethiopia.

Soo laabashada Ciidamadaan ayaa ku soo hagaageysa xili Dalku uu ku jiro qalalase Dastuuri, Siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhalatay Khilaafka Doorashada iyo is-mari waaga salka ku haya qaabkii codeyntu noqon laheyd mid xalaal ah oo daahfuran wadar oggolna ah.

107150cookie-checkDhalinyaradii Tababarada Loogu Qaaday Eritrea Oo Qaarkood Dib Loo Soo Celinaayo