Ma Dhabaa in Dhibaatooyin Joogto noqday ay la kulmaan Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe..

Somalia news

Warbixin uu soo saaray Guddiga Adeega Bulshada ee Baarlamaanka Federaalka ayaa kaga hadlay dhibaatooyin muddo dheer soo jiitamaayay ee salka ku heysa Cadaalad darro, adeeg xumo iyo dhisme gabow ah ee xaalada murugada leh ee ka jirta Xabsiga dhexe ee magaalada Mogadishu..

Guddigaan ayaa Aarbixintooda daaha kaga rogay, in Tiro ka badan Maxaabiistii loogu tala galay lagu xiray, waxeyna ugu sii dartay xaaladii uu dhismaha Gabowga ah ee Xabsiga, iyadoo ay sidoo kale ay ka jirto maqnaanshaha daryeel iyo adeeg Caafimaad oo Maxaabiista ku filan, talabadaan oo ka dhigeysa iney (Maxaabiista) u nuglaadaan Caafimaad darro horseeda cuddurada faafa.

Guddigan Xildhibaanada ayaa sheegay in loi baahan yahay in dib u haveyn deg deg ah lagu saneeyo Nidaamka Cadaalada Dalka si loo xaqiijiyo in si cadaalad ah loo la dhaqmo Maxaabiista, Warbixinta ayaa lagu xusay iney ku xiran yihiin Xabsiga dhexe 1321-Maxbuus kuwaasoo laga kala keenay Gobolada Dalka, Xabsiga ayaa noqday Goobo lagu dhibaateeyo Muwaadiniinta Maxaabiista ah oo xuquuqdooda la duudsiiyo.

Waxaa jira tiro badan oo Eedeysanayaal ah kuwaasoo muddo sanado ah sugaayay in la Maxkamadeeyo, iyadoo la sheegay in Cadaalad darro baahsan iyo adeego xumo ay ka jirto Xabsiga dhexe loogana baahan yahay Dowladda Federaalka iney deg deg wax uga qabato.

271610cookie-checkMa Dhabaa in Dhibaatooyin Joogto noqday ay la kulmaan Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe..