Maamulka Galmudug Oo Lagu Eedeeyay Iney Gaadiid Ka Dhaceen Ganacsato

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro gadiid (Toyota Pickup) oo Maamulka Galmudug si boob iyo awood sheegasho ula wareegay gaadiidkaan Ganacsato Soomaaliyeed oo kala soo dagey Dekeda Hobyo dhawaan….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka amar qaata Maamulka Qorqor ay qori caaradiisu ay kula wareegeen 7-Gaari oo Cabdi Bile ah, kuwaasoo ay soo degsadeen Ganacsato degaanka ka soo jeeda.

Waxaana la sheegay in Madax Hey’adda NISA ee Galmudug Mahdi Cumar Muumin Uu Magaalada Hobyo u tagay si uu ula wareego gaadiidkaan, waxaana la sheegay in Maamulka u wakiisheen, Boobkaan ayaa lagu fasiray mid Uu Maamulka Galmudug uu xalaaleysanaayo Hantida Ganacsatada, waxaana laga digay falalka noocaan oo kale.

100120cookie-checkMaamulka Galmudug Oo Lagu Eedeeyay Iney Gaadiid Ka Dhaceen Ganacsato