Maxkamada Gobolka Benaadir Oo Xayiraad Safar ku soo Rogtay Sarkaal Dowladeed oo Eedo loo Heysto…

Somalia news

Qoraal ka soo baxay Maxkamada Gobolka Benaadir ayaa lagu amray in Laanta Socdaalka ee Garoonka Diyaaradaha iyo Saldhigga Boliiska xayiraad safar ah oo lagu soo rogay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia, Bashiir Macallin Cali Xasan oo loo haysto eedeymo la xiriira dhaca Deeq Dhaqaale..

Garsoorka Maxkamada ayaa qoraalka ku xustay inuu codsi u soo gudbiyay Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo ay tilmaamtay inuu baaris socota ku hayo Agaasimaha, laguna tuhunsan yahay inuu si ka baxsan Sharciga u maamulay deeq lacageed oo dhan 180.000 US$, isagoo ku eedeeyay inuu qorsheystay inuu Dalka ka baxsado.

Agaadimahaan (Bashiir Macallin Cali) oo aan aqoon iyo xirfad lagu geynin Xilka balse la sheegay inuu ka mid ahaa Taageerayaashii ku caan baxay dagaalkii siyaasadeed ee ay lala galay Farmaajo, waxaana xilkan loo magacaabay kadib dib u doorashadii Xasan Sheekh isla markaasna wuxuu ka soo jeedaa Beesha Abgaal.

294280cookie-checkMaxkamada Gobolka Benaadir Oo Xayiraad Safar ku soo Rogtay Sarkaal Dowladeed oo Eedo loo Heysto…