Is-rasaaseyn Dhex Martay Laba Ciidan

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya is-rasaaseyn Shalay degaanka Jazeera ku dhex martay, laba Ciidan oo ka wada tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasoo qaarkood difaacaayay Shi bad waad ah oo lagu waday in laga soo dejiyo degaanka & Ciidamada Boliiska oo hawlgalka waday….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Ciidamo ka tirsan qeybta Haramcad ay bilaabeen inay beegsadaan doomaha qaadka sida dhuumaaleysiga loogu soo galiyo Magaalada Muqdisho, waxeyna howlgal ka fuliyeen Degaanka Jaziira, iyagoo is-rasaaseyn kooban dhex martay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo loo soo kireeyay iney ilaaliyaan Qaadka.

Ciidamadaan ayaa waxey gacanta ku dhigeen gaadiid lagu waday qaadka laga keeno dalka Kenya, kadib markii si dhuumaaleysi ah looga soo dajiyay dhanka Xeebta Ceelmacaan, islamarkaana gaadiid lagu soo qaaday, balse Boliiska ay ku qabteen Xaafado ka tirsan Degmada Heliwaa.

Lama oga Sababta ka dambeysa, iyagoo bilihii Ugu Dambeeyay ay Ganacsatada Qaadka iyo Saraakiisha Amaanka ay heshiis ku ahaayeen in Qaadka si dhuumaaleysi ah lagu soo geliyo Magaalada Muqdisho, Saraakiisha Amaankana Gobolka iyo Kuwa Taliska Boliiska Khidmadooda loo geyn jiray.

72840cookie-checkIs-rasaaseyn Dhex Martay Laba Ciidan