Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galguduud Ayaan sheegaya in dhaqdhaaq Ciidan laga dareemay duleedka magaalada, kuwaasoo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan, Ciidamadaan ayaa durbadiiba bilaabay baaaris iyo xog uruurin ku aadan Maleeshiyaadka kooxda Shababka…
Ciidamadaan oo ka baxay Magaalada ayaa waxaa horkacayay Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Saraakiil kale, inkastoo Saraakiishii Ciidamada looga yeeray Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay ku wajahan yihiin degaanka Bulacle oo ay ku sugan yihiin Koox ka tirsan Maleeshiyaadka Shababka.
Dhaq dhaqaaqyada Ciidan ee xalay ka bilaawday degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay degaano ka tirsan Gobolka Mudug ay ku dagaalameen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo garab ka helay dadka degaanka Shabeelow oo hoostaga Magaalada Bacaadweyne iyo Kooxda Shababka.