Shirka Dhuusa mareeb-3 Iyo Caqabadaha Hortaagan

Somalia news

Iyadoo ay ka dhiman tahay 2-maalmood qabashada Kulanka Dhuusa mareeb-3, ayaa Waxaa soo shaac baxaaya turanturooyin ay Soo diyaariyay Madaxtooyada Somalia, iyagoo doonaya in shirkaasi Dib loo dhigo ilaa dhamaadka Bisha Oktoobar ee Sanadkaan…

Caqabadahaan ayaa la sheegay iney ka mid yihiin, iyadoo xiisado colaadeed laga dhex abuuray Dadka degaanka Guricel oo Masaajid isku heysta Hubka isku uruursanaaya, waxaa kaloo la sheegay in duleedka Degaanka Guricel ay soo gaareen tiro maleeshiyaad Kooxda Shabaabka ka tirsan.

Sidoo kale Waxaa Magaalada Cadaado shalay laga dejiyo Diyaarad wadatay Astaanta UN-ka, qalabna u siday Taliska Qeybta 21-aad, waxaana isweydiin mudan maxaa Qalabkaan looga dejin waayay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dhuusa mareeb, iyadoo shaki weyn laga muujiyay Qalabkaan, iyadoo isla dayaaradaasi uu Soo raacay Taliyaha Qeybta 21-aad Horjooge Qooje Dagaari, waxaana looga yeeray Madaxtooyada.

Ku darsoo waxaa Magaalada Muqdisho horey u joogay Taliyaha Guutada farsiinkeedu yahay Magaalada Dhuusa mareeb, iyadoo saraakiishaani ay u yeereen Madaxtooyada Villa Somalia.

Ma Khilaaf ayaa soo kala dhex galay Saraakiushan iyo Maamulka Galmudug mise Madaxtooyada ayaa u adeegsaneysa sidii culeysyo u saari laheyd Mr.Qorqor Oo Lagu wado inuu dhowaan Dib ugu laabto Magaalada Dhuusa mareeb.

Dagaalka Shabeelow ee degaanka Bacaad weyn miyuu xiriir la leeyahay Saraakiisha looga yeeray Muqdisho!!? ma ogi.

53630cookie-checkShirka Dhuusa mareeb-3 Iyo Caqabadaha Hortaagan