Maanta oo ay taaiiqdu tahay 15-ka bisha January ayaa ku beegan maalinta koowaad afartan berri oo loo qorsheeyay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Xildhibaanada golaha shacabka, iyadoo aysan muuqan Saansaan Doorasho…
Ilaa 241-Xildhibaan ayaa la doonayaa in mudadaasi lagu soo doorto iyadoo aysan jirin doorasho maanta ka dhacaysa guud ahaan dalka, Hase yeeshee magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka bilaabanaya maanta diiwaangelinta shan kursi oo la shaaciyay in toddobaadkan lagu dooranayo magaalada Baydhabo.
Maamul Goboleedyada Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Xildhibaanada Gobolada Waqooyiga ayaa hore u bilaabay oo soo doortay Xildhibaano ka mid ah Golaha Shacabka halka maamulada Hirshabelle, Beelaha Benaadiriga iyo Puntland aysan weli ka bilaaban doorashada.
Hadaba,! 6-todobaad gudahood ma lagu soo dhameystiri doonaa 241-Xildhibaan ee ka harsan Golaha Shacbiga, Boobka iyo Isbaarooyinka ma soo af jarmi doonaan.