Hogaanka Dowladda Oo Xaliyay Caqabado Dhaqaale Oo Muwaadiniin Heysatay

Somalia news

Dowladda Federaalka ayaa ku guuleysatay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan laga dhaafo lacagta degenaanshaha, lacagta ganaaxa iyo lacagta kaararka shaqada, Muwaadiniinta ayaa dhibaato xoogan ku heysay Dhaqaalahaan laga qaado..

Go’aankan oo dhaqan galay 10 casho ka hor, ayaa ku yimid iskaashiga iyo xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeysa Suudaan, taas oo ay Labada Dowladood isla garteen in muwaadiniintooda ku kala sugan Labada Dal ay ugu adeegaan si siman, iyada oo laga cafinayo dhammaan kharashaadkaasi.

Ku dhowaad 7-kun oo arday ah iyo 300 oo qoys oo Soomaali ah ayaa ku dhaqan dalka Suudaan, kuwaasoo ay horey caqabad weyn uga heysatay marka ay ka dhacaan dukementiyada ay ku joogaan dalkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah  waxa ay uga mahadcelisay Dowladda Suudaan garab istaagga ay u muujiso dowladda Soomaaliya iyo fursaddan oo ay ka faa’iideysan doonaan Soomaalida ku dalkaas.

162200cookie-checkHogaanka Dowladda Oo Xaliyay Caqabado Dhaqaale Oo Muwaadiniin Heysatay