Dhaqdhaqaaqyada & Abaabulada Ka Socda Degmooyinka Beled Xaawo & Doolow & Sababta ka Dambeysa..

Security Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dhaqdhaqaaqyo iyo Abaabulo iska soo horjeeda oo maalmihii ugu dambeeyay ka socday Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayna wadaan Mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland saameyn togana ay ku leeyihiin Sirdoonada Ethiopia & Kenya…

Wararka ayaa sheegaya in Degmada Beled Xaawo uu gaaray Madaxa Amniga ee Maamulka Jubbaland Mr.Yuusuf Xuseen Dhumaal, kaasoo Diyaarad ku tagay magaalada Mandhera ee Waqooyi-bari Kenya, wuxuuna qorsheynayaa inuu u gudbo magaalada Doolow (Somalia) oo ay maamulaan Ciidamada Ethiopia si uu wada tashi iyo Saanad Ciidan u weydisto.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Jubbaland ayaa isna lagu wadaa inuu Maalmaha soo socda uu gaaro magaalada Doolow, Saraakiishaan ayaa wada Abaabul ay ku doonayaan iney Maamulka Gobolka Gedo dib ugu soo celiyaan Maamulka Jubbaland isla markaasna u magacaabaan tiro Gudoomiyayaal Degmo iyo Saraakiil Amni iyagoo gacan ka helayaa Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ka wada Abaabulo Degmooyinka Garbahaarey iyo Ceel Waaq, iyadoo Gudoomiyaha Gobolka Gedo uu hanjabaado hawada u mariyay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beled xaawo inuu bedeli doono hadii aysan ka waantoobin xiriirada wada shaqeyn ee la leeyihiin Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ee degaanadaasi ku sugan.

351940cookie-checkDhaqdhaqaaqyada & Abaabulada Ka Socda Degmooyinka Beled Xaawo & Doolow & Sababta ka Dambeysa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com