Dhaqdhaqaayada Ganacsiga Oo Cabsi Soo Food Saartay

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Maalmihii ugu dambeeyay laga dareemay nawaaxiga Madaxtooyada Villa Somalia qax, kadib markii dadkii degenaa ay soo food saartay cabsi la xiriirta in Agagaarka Madaxtooyada ay ka soo muuqatay saansaan colaadeed iyo Ciidamo dhufeyso cusub ka sameystay Xaafadaha ku xeeran Xaruntaasi…

Wararka Ayaa sheegaya in Qaxaa Dadka rayidka ah ayaa loo aaneynayaa, iyadoo aan muuqan Heshiis Doorasho, isla markaasna Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu isku diyaariyay dagaal sokeeye oo ka Qaraxa Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in Dadkaan ay u guureen duleedada Mogadishu.

Dhaqdhqaaqa Ganacsiga Dekada Mogadishu:-

Warbixno la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.com news ayaa sheegaya in Ganacsatada iyo Shirkadaha badeecadaha kala soo dega Dekada Mogadishu ayaa la sheegay iney hakiyeen, kadib markii hubti La’aan ka muuqatay in Dalka Doorasho heshiis lagu yahay ka dhacdo, iyadoo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo Uu Go’aansaday inuu doorasho dhinac ah qabsado.

Waxaana Suuqyada Magaalada Muqdisho laga dareemayo sara ukac maciisha & qalabka dhismaha kadib markii ganacsatada ay walwal ka muujiyeen xalada daganaasho la’aanta ka jirta dalka iyagoo cabsi ka qaba in lagu boobo dagaalada la filaayo iney ka dhacaan Caasimada.

Shirkadaha Oo Hantidoodii Kala Baxay Magaalada:-

Xuuraan la helay ayaa sheegaya in Shirkadaha waaweyn ee ka howl gala Muqdisho ay dhaqaalihi u yaalay ay dibadaha geesanayaan maadama ay ka baqayaan in lagu boobo colaada lafilayo ineey dhacdo, waxaana la sheegay in Shirkadaha iyo Bangiyada ay joojiyeen dhamaan maalgelintii iyo deymihii la siin jiray Muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo lagu sababeeyay hubti La’aanta iney Dalka ka dhacdo Doorasho wadar oggol ah.

86840cookie-checkDhaqdhaqaayada Ganacsiga Oo Cabsi Soo Food Saartay