Ma Dhabaa in Wiilka Horjooge Xasan Daahir Xil Looga Magacaabay Hey’adda NISA

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa xogo hordhac ah oo tilmaamaya Madaxa Xafiiska Ciidamada ee NISA loo magacaabay mid kamid ah wiilasha uu dhalay Xasan Daahir Aweys, kaasoo xabsi guri ku heyso Dawladda Federaalka, mararka qaarkoodna baraha bulshada iyo aroosyada kasoo muuqanayey sanadihii lasoo dhaafay, isagoo aaminsan Afkaarta xag-jirnimo…

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Wiilka la Magacaabay ayaan aqoon durugsan u laheyn Howlaha Xuraanka/lid-Xuuraanka Hey’adda NISA u xil saaran tahay si ay ula looga difaaco Cadowga iyo kooxaha Argagixisada, Wiilkaan ayaa muddo dheer ku noolaa dalka Masar, kahor imaanshihisii dalka.

Wararka ayaa sheegay in Wiilkaan uu qoray Agaasimaha NISA oo isku jufo hoose yihiin, ka hor magacaabiistiisa, waxaa la sheegay inuu ka soo shaqeynayay labo goobo Ganacsi oo ku kala yaala magaalada Mogdishu, Magacaabista ayaa abuurtay shaki iyo dareen cabsi leh, xili Wiilka lamagacaabay walaalkiis dhawaan duqeyn diyaaradeed lagu dilay, Halka Aabihiisna uu Muwaadiniin Soomaaliyeed dilay isla markaasna uu wali aragtidiisa xagjirnimo aaminsan yahay, lana sheegay in laga joojiyey isticmaalka baraha bulshada,xili uu diiday katanaasulka fikirkiisa.

224950cookie-checkMa Dhabaa in Wiilka Horjooge Xasan Daahir Xil Looga Magacaabay Hey’adda NISA
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

2 thoughts on “Ma Dhabaa in Wiilka Horjooge Xasan Daahir Xil Looga Magacaabay Hey’adda NISA

  1. Dagaal guul daradiisa la hubo ayuu iclaamiyay Xasan Qoslaaye, (Talo waa tii Alla) laakin wuxuu qorsheystay inuu Dal iyo Dad toona uusan hambeyn, Beelaha Hawiye Dhalinyaradooda uu dabka saarto kadibna uu heshiis la galo Horjoogayaasha Shababka

  2. Dadbaa weli ku riyoonaaya in Dowladnimo iyo kala dambayntii dib loo soo nooleynaayo, laakin runtii Somalia wey kala jiheysatay 5-imaaradood ayaa loo qeybaaday (Nairobi Jubbaland), (Dubai Puntiland), (Hargeysa Taiwan) (Konfur galbeed Addis abeba), (Mogadishu Eritrea), Shacbiguna waa kuwo fashilmay oo damqashadii iyo dareenkii ka guuray.

Comments are closed.