Horjooge Ka Hadlay Weerarkii Xabsiga Magaalada Boosaaso

Somalia news

Horjoogaha ugu awooda badan Maleeshiyaadka Kooxda Shababka Mahad Warsame Qaley (Mahad Karataay) ayaa ka hadlay weerarkii maleeshiyada Kooxdoodu ku galeen xabsiga Magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari, halkaasoo sida uu sheegay ay ka soo sii daayeen afar boqol oo maxaabiis ah oo isugu jira Rag iyo Haween….

Hadal uu jeediyay Horjooge Mahad Qaley oo xalay lagu baahiyay barraha Internet-yada ee afka Shabaabka ku hadla ayuu ku sheegay in yoolka ay hiigsanayaan uu qayb ka yahay in la soo furto buu yiri maxaabiista Muslimiinta ee gaalada xabsiyada ku hayso.

Wuxuu sheegay “Waa xabsi dhismihiisa iyo maalgelintiisu ay lahaayeen saliibiyiinta, boqolaal dada oo Muslimiin ahna ay ku xirnaayeen, jirdil, ciqaab iyo tacdiid joogtana ay kala kulmayeen sirdoonada saliibiyiinta ee xabsiga dhistay iyo Maamulka Puntland.” Ayuu yiri Horjoogahaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxay mujaahidiintu soo furteen dhammaan maxaabiistii Muslimiinta ee ku xirnaa xabsigaasi. Maxaabiista lagu soo furtay hawlgalkaa barakeysan ee mujaahidiintu ka fuliyeen xabsiga Magaalada Boosaaso ayaa gaarayay afar boqol oo ruux.”

Waxa uu intaa ku daray “Waxaana ka mid ahaa gabdho Muslimaat ahaa oo si xaqdarro ah ay cadowga halkaasi ugu haysteen. Waxay mujaahidiintu ku guuleysteen inay maxaabiista si nabad ah kaga soo saaraan xabsiga. Waxay ka soo foggeeyeen goobihii uu cadowga ku sugnaa, waxayna keeneen goobo ay mujaahidiintu maamulaan, ka dibna qof weliba waxay u jiheeyeen halkii uu doonayay inuu aado.”

99970cookie-checkHorjooge Ka Hadlay Weerarkii Xabsiga Magaalada Boosaaso