Golaha Amniga & Nabada AU-da Oo Dhaleeceeyay Muddo Kordhinta

Somalia news

Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa dhaleeceeyay tallaabadii Golaha Shacabka ay muddo xileedka ugu kordhiyeen Madaxweynaha iyo Baarlamaanka, taasoo dib u dhigeysa doorashooyinka, ayna wiiqeyso midnimada, xasilloonida dalka, geeddi socodka dimoqraadiyadda iyo dastuurka curdunka ah…

Sidoo kale Golaha ayaa ka codsaday Guddoomiyaha Midowga Afrika inuu magacaabo Ergey Sare oo dhexdhexaadiya dhinacyada isku haya siyaasadda kala shaqeeya si loo gaaro wadar ogol iyo isu tanaasul.

113300cookie-checkGolaha Amniga & Nabada AU-da Oo Dhaleeceeyay Muddo Kordhinta