Madaxweynaha Somalia oo ku Wajahan Magaalada Addis Ababa Ee Ethiopia 

Africa News Somalia news

Madaxweynaha Somalia oo xalay ku hoyday Dalka Djibouti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabanaya, waxaana la filayaa in isla maanta gelinka dambe uu tago Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia…

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Dalka wuxuu kulan la qaatay dhigiisa Dalkaasi, isaga oo uga xog warramay xaaladda ee abaaraha iyo duruufaha ku xeeran, ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo doorkooda wadajirka ah ee ku aaddan horumarka iyo xasilinta Gobolka.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Addis Ababa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal gaar ahaan xoojinta Amniga.

Madaxtooyada ayaa horay u sheegtay in booqashooyinka uu Madaxweynaha ku tagayo dalalka Gobolka ay bilow wanaagsan u tahay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka Somalia ee dalalkaasi, loona adkeyn lahaa tiirarka adag ee dhaqan-dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhaxeya labada Dal.

201590cookie-checkMadaxweynaha Somalia oo ku Wajahan Magaalada Addis Ababa Ee Ethiopia 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com