Share the post "Dhisme ay Shirkada Isgaarsiinta Safaricom ku leedahay Degaanka ka tirsan Mandheera oo la Weeraray…"
Maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Shabaabka ayaa weerar ku qaaday dhismaha Shirkada Safaricom ee deegaanka Fincharo ee Koonfurta Mandheera, iyadoo Xaafado ka tirsan Degaanka Konfurta Mandera ayaa waxaa hawada ka baxay adeegyadii isgaarsiinta, Iyada oo dadka Degaanka ay sheegeen in khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ay ka dhasheen..
Wararka ayaa sheegaya in Gaari ay wateen Ciidamada Degmada Ceelwaaq oo ka yimid dhanka degmada ayaa la sheegay iney wadada u galeen Maleeshiyaadka Shababka, .Burburinta dhowr Dhisme oo Safaricom ah oo si wadajir ah u dhacay ayaa muujineysa sida ay wax u dhaceen, taasoo keentay in su’aalo la iska weydiiyo awoodda sirdoonka ee Degaanka.
Maamulka Degaanka ayaa hadda la tacaalaya dhibaatadii ka dhalatay weerarkan khasaaraha badan dhaliyay, waxaana dadka deegaanka ay wajahayaan internet la’aan. Dhacdadaan ayaa hoosta ka xariiqaysa caqabadaha dhanka Amaanka ah ee ka jira Degaanka ku dhow dhow xuduudka Somalia, waxaana ay muujinayaan walaac ku aadan waxtarka dadaallada ka dhanka ah wax ay ku sheegeen argagixisada Degaanadaasi, iyadoo Dadka Degaanka iyo maamulka ayaa loogu baaqay iney Amaanka la adkeeyo, lana hagaajiyo howlaha sirdoonka si looga hortago weeraro mustaqbalka.