Ma Dhabaa In Rooble & Uhuruu Ku Kulmaayaan London

Africa News

Warar hordhaca ah oo la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.com news ayaa sheegaya in Dhowaan Magaalada London ee UK ay ku kulmi doonaan Ra’iisalwasaaraha Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Kenya, madaxdaan aya ka wada qeyb galaaya Shir Caalami ah oo looga hadlaayo Waxbarashada…

Shirkaan oo uu shir-gudoomin doono Ra’iisalwasaaraha UK Mr.Boris Johnson, isagoo Caasimada u fidiyay Madax kala duwan oo Africa ka socota, iyo Hey’adda Caalami, kaasoo socon 28-29 Bishaan, sidoo kale waxaa looga hadli doono Cudurka safmareenka ah Ee Coronavirus iyo Deeqaha Talaalka Ee Dalalka Africa.

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Saraakiil ka tirsan Xafiisyada Mr.Rooble iyo Uhuruu ayaa xiligaan ku sugan Magaalada London, kuwaasoo diyaarinaaya Ajandayaasha iyo qodobada ay wada hadli doonaan labada Mas’uul, kuwaasoo rajeynaaya iney miro dhal noqon doonaan, Mr.Rooble ayaa lagu wadaa inuu Safar shaqo ku tago Dooxa.

131350cookie-checkMa Dhabaa In Rooble & Uhuruu Ku Kulmaayaan London