Weerarada USA/UK Ku Qaadeen Xoogaga Xuutiyiinta Dalka Yemen & Saameynta ka dhalan karta..

World

Saakay hiirtii hore Diyaaradaha Dagaalka iyo Gantaalada Ridada dheer ayaa Ciidamada USA & UK ku qaadeen wax ay ku sheegeen Farsiimada Xoogaga Xuutiyiinta ku leeyihiin Dalka Yemen, iyadoo ay soo shaac baxaayaan fal rogal xelin ah oo ka dhalan kara Weerarka lagu qaaday Xuutiyiinta kaasoo saameyn ku yerlan kara Dekedaha Berbera iyo Boosaaso ee Somalia iyo Dekeda Djibouti…

Wararka ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqa Ganacsi gacanka Cadmeed iyo Badda Cas uu hakad ku iimasn karo kuyimaada ee Somalia, Kooxda Xuutiyiinta oo haysta taageerada Dalka Iiran ayaa jawaabtooda la dhayalsan karin maalin ka hor Dowladda waxay sheegtay iney cabsi dareemaayaan, ku aadan Gantaalaha Yemen laga soo tuuro ay di sahal ah ku gaari karaan Dekedaha kor ku xusan, maadaama Ciidamada US ay fariisimo ku leeyihiin Dalkaasi, waxaa la xaqiijinayaa in saldhiga Mareykanku weeraradii xalay ka amray ay aagaa ku yaalaan.

Dalka Somalia ayaa la filayaa iney sicir barar uu ku yimaado badeecadaha kala duwan, iyadoo hadii ay Maraakiibta Ganacsiga ku imaan jireen 10-Maalmoog hada waxas la saadaalinayaa iney qaadan karto 30-50 maalmood, dagaalka u dhaxeeya USA/UK iyo Xoogaga Xuutiyiinta.

Markii Duqeynta Doyaaradaha USA/UK ay bilaabeen ayaa la sheegaya inuu sare u kac ku yimid qiimaha Shidaalka, Brent crude uu sare u kacay 1,53% una dhiganta 78,94 halkii fuusto, Shidaalka U.S. West Texas ayaa isna sare u kac ku yimid, iyadoo laga cabsi qabo inuu xirmo Marinka Bab Al mandab oo maalintii ay mari jireen Maraakiib sida 20-Millions oo Fuusto oo shidaal ah.

300500cookie-checkWeerarada USA/UK Ku Qaadeen Xoogaga Xuutiyiinta Dalka Yemen & Saameynta ka dhalan karta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com