Dhisme ay Shirkada Isgaarsiinta Safaricom ku leedahay Degaanka ka tirsan Mandheera oo la Weeraray…

Africa News

Maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Shabaabka ayaa  weerar ku qaaday dhismaha Shirkada Safaricom ee deegaanka Fincharo ee Koonfurta Mandheera, iyadoo Xaafado ka tirsan Degaanka Konfurta Mandera ayaa waxaa  hawada ka baxay adeegyadii isgaarsiinta, Iyada oo dadka Degaanka ay sheegeen in khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ay ka dhasheen..

Wararka ayaa sheegaya in Gaari ay wateen Ciidamada Degmada Ceelwaaq oo ka yimid dhanka degmada ayaa la sheegay iney wadada u galeen Maleeshiyaadka Shababka, .Burburinta dhowr Dhisme oo Safaricom ah oo si wadajir ah u dhacay ayaa muujineysa sida ay wax u dhaceen, taasoo keentay in su’aalo la iska weydiiyo awoodda sirdoonka ee Degaanka.

Maamulka Degaanka ayaa hadda la tacaalaya dhibaatadii ka dhalatay weerarkan khasaaraha badan dhaliyay, waxaana dadka deegaanka ay wajahayaan internet la’aan. Dhacdadaan ayaa hoosta ka xariiqaysa caqabadaha dhanka Amaanka ah ee ka jira Degaanka ku dhow dhow xuduudka Somalia, waxaana ay muujinayaan walaac ku aadan waxtarka dadaallada ka dhanka ah  wax ay ku sheegeen argagixisada  Degaanadaasi, iyadoo Dadka Degaanka iyo maamulka ayaa loogu baaqay iney Amaanka la adkeeyo, lana hagaajiyo howlaha sirdoonka si looga hortago weeraro mustaqbalka.

300470cookie-checkDhisme ay Shirkada Isgaarsiinta Safaricom ku leedahay Degaanka ka tirsan Mandheera oo la Weeraray…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com