Dagaal Xoogan oo Xalay ka Dhacay Gudaha Degmada Laascaanoof

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo xalay ku dhex maray gudaha magaalada Xoogaga degaanka iyo kuwa Maamulka Somaliland, dagaalkaan ayaa bilaawday kadib markii nin dhalinyaro oo ka mid ahaa shacabka magaalada ay ciidamada Somaliland ku dileen bartamaha magaalada…

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare xoogan oo dagaalkii xalay ka soo gaaray labada dhinac inkastoo aan la heynin tirakoob sax ah, waxaana la soo werinayaa in dad badan oo dhaawacyo qaba la gaarsiiyey goobaha Caafimaadka.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood Xoogaga iska abaabulay degaanka ayaa xalay la wareegay inta badan magaaladaas kadib dagaal qaraar oo ay la galeen ciidamada Somaliland, inkastoo Maamulka Somaliland ee Gobolka Sool ayaa beeniyey in laga qabsaday magaalada, iyagoo intaa ku daray in la xiray askar xalay toogasho ku dishay nin shacab ah oo hubeysan.

235310cookie-checkDagaal Xoogan oo Xalay ka Dhacay Gudaha Degmada Laascaanoof
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com