Dib U Dhac Miyaa Ku Yimid Guddigii Doorashada

Somalia news

Marka la tixraaco heshiiskii lagu saxiixay Bishii tagtay kana dhigeen sharci doorashada lagu geli karo, ayaa dhigaayey dhismaha guddi doorasho oo gaaraya 55 xubnood kuwaas oo 15 kamid ah ay magacaabi lahayd Dowladda Federaalka ah halka Dowlad goboleedyadu midkastaa uu magacaabayo 8 xubnood….

Guddiga ayaa lagu heshiiyey in la dhiso 10 ilaa 20 bishan Oktoobar, waxaana muuqata in magacaabistu dib u dhac ku imaanayo marka la eego xaaladda socota, iyo maalamaha harsan.

Inta badan siyaasiyiinta Soomaalida ee damacu uga jiro tartanka Madaxweynaha ayaa ku sugan dalka Kenya, wararku waxay sheegayaan in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu gaarey halkaas, iyada oo la sugaayo Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Dhanka Jubaland ayaa war horey uga soo yeerey lagu sheegay inay adag tahay in doorashadu dhacdo ilaa ciidamada qalabka sida ee Dowladda federaalka laga saarayo gobolka Gedo maamulkiisi horena lagu soo celinaayo, xiligaana ka taagan xiisado colaadeed.

Maamulka Hirshabelle waxaa ka taagan xaalad kacsan oo siyaasadeed, kadib markii la soo gaarey xiligii doorashada ee Madaxweynaha, iyada oo mudanku gaarey meel aad xasaasi u ah, lana diidey in doorashadaas dib loogu dhigo ilaa tan federaalka.

Wasiirka 1-aad Mr.Rooble ayaan weli ku dhawaaqin Golihii Wasiirada, waxaana mudada dastuurku siinaayo ka harsan 6-maalmood oo keliya, golaha Wasiirada ee la dhisaayo ayaa noqdey kuwo la doonaayo in ay qayb ka noqdaan ololaha doorashada, qofka loo magacaabayo Wasiir ee heli kara in uu ku guuleysto Xildhibaanka ayaa ka fursad fiican siyaasi kasta.

Haddaba marka arrimahan la isu geeyo waxaa muuqata in dib u dhac farsamo uu imaan doono, taas oo ay dheertahay in ay dhici karto carqalad siyaasadeedna in ay ka timaado gobolada qaarkood ee hadda xujooyinka la soo baxaya.

66670cookie-checkDib U Dhac Miyaa Ku Yimid Guddigii Doorashada