Ra’iisul Wasaraha Cusub Iyo Garabyada Uu La Soo Shaqeeyay

Somalia news

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Mr.Faraamjo ayaa xalay saqadii dhexe magacaabay Ra’iisul wasaaraha cusub, kadib markii laga sugaayay mddo 58- maalmood oo dalku uu ahaa xukuumad la’aan, isla markaasna uu ku takri falaayay awoodaha xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Wasiirka 1-aad…..

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa lagu magacabaa Inj.Maxamed Xuseen Rooble, oo 57-sano jir Qurba joog ah, kana qaxay burburkii dalka, isagoo gaaray Talyaaniga kadibna u gudbay Sweden, lana soo shaqeeyay garabyada kala duwan (Sida Maamulkii Xasan Sheekh, Mr.Kheyre) iyo Hey’adaha UN-ka gaar ahaan (ILO), iyadoo la sheegay in magacaabistiisa ay ku soo beegantay kadib markii heshiis laga gaaray qaabka, Taariikhda doorashada iyo sida loo maamulaayo, waxaana looga fadhiyaa inuu fuliyo Heshiiskaasi.

Taarikh- Nololeedka Oo Kooban:

Inj. Rooble wuxuu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, waa xaasle (5) caruur ah leh kuwaasoo ku nool dalka Sweden, wuxuu ku hadlaa Luqadaha Swedensh-ka, English-ka iyo Soomaalig, isagoo muddo 14- sano ah la soo sheeqeeyay Hey’adda (ILO) ee UN-ka.

Yaa Ka dambeeya Magacaabistiisa:-

Xogo la soo gaarsiiyay Diinah.com news ayaa xaqiijinaaya Ra’iisul wasaaraha cusub ay ku qanciyeen inuu xilka u magacaabo Mr.Farmaajo, Gudoomiyaha Golaha Shacbiga Mr.Cabdiwali Ibraahim Muudeey iyo Adeege Fahad Yaasin Agaasimaha NISA, iyagoo dhowr jeer hor fariisyay kulamana la yeeshay Injineerka culeysna ku saaray in la magacaabo, sidee kooxahaan danleyda ah ugu adeegi doonaa, maxaase laga filan karaa.

Xiligaan kala guurka ah ee uu Dalku ku jiro, ayaa Mr.Rooble wuxuu dhexda uga soo dhacay xaalad aan hore u marin kuwii ka horeeyay, waa marka hore waxaa go’aan laga gaaray in Doorashada la bilaabo 1-da Novembar 2020, sidoo kale kale laga rabo inuu soo dhiso Xukuumad waajibaadkeedu yahay iney fuliso Go’aanka la gaaray oo ah Doorsho Dadban oo si adag la isku heysto, waxaana la filayaa in Maalinta Sabtiga ah la horgeeyo Heeshiiska iyo magacaabista Wasiirka 1-aad Golaha Shacbiga si loo ansixiyo.

61390cookie-checkRa’iisul Wasaraha Cusub Iyo Garabyada Uu La Soo Shaqeeyay