Dib u Soo Nooleynta, Saameynta Mashruuca Wax ka Bedelka Dastuurka & Damaca Danleyda Mucaaradka..

Somalia news

Macmuulaad ayaa laga helayaa Qorshe ay Madaxtooyada Villa Somalia ku dooneyso iney lagu dardar geliyo Mashruuca wax ka bedelka Dastuurka qabyada ah, iyadoo uu Madaxweynaha la sheegay inuu ku cadaadinaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka in dib loogu soo celiyo habraaca ansixinta wax ka bedelka Dastuurka Dalka…

Ilo wareedkaan ayaa tilmaamtay in 24-Bishaan 2024-ta dib loo dhaqaajiyo Mashruuca, iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku amray Guddiyada dib u eegista Dastuurka in Maalinta Arbacada la hor keeno Baarlamaanka si ay Xildhibaanada iga doodaan, iyadoo loo bedeshay in Mushaarka Xildhibaanada ka gaarsiiyo 6000-US$ Bishii.

Talaabadaan ayaa la sheegay in heshiis laga gaaray in la ansixiyo si saameynta, gorgortanka iyo culeysyada Maamulka Puntland u yaraadaan inta uu Madaxweynaha safarka ku tegi doono Todobadkaan gudihiisa (25) Bishaan si uu uga qeyb galo Xaflada caleemo saarka Mr.Deni, Garabyada Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Maamulka Puntland ayaa horey ugu baaqay in la joojiyo Maahruuca wax ka bedelka Dastuurka inta la iskaga iimaanaayo.

Ku darsoo Maamulka Dani oo muddo 2-sano ah Xiriirka u jaray ayaa hadda doonaya in laga talo geliyo Maahruucaan oo heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga ku go’aamiyeen in Baarlamaanka Federaalka loo daayo iney go’aan ka gaaraan Maahruucaan iyo Maqaamka Gobolka Benaadir.

302670cookie-checkDib u Soo Nooleynta, Saameynta Mashruuca Wax ka Bedelka Dastuurka & Damaca Danleyda Mucaaradka..