Dagaal Mindhicireed Adag Kadib Siyaasiyiinta Qumis Oo Wada Fariistay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan soo dhoweyn ah uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Maclin Fiqi Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor, iyadoo laga wada dheregsan yahay in Labadooda Mas’uul ay isku ahaayeen dab iyo baasiin, wuxuuna khilaaf dhexdooda soo tagnaa iyo Oct 2021 markii Fiqi iska-casiley xilka Wasiirka Amniga…

Xiligaan labada Mas’uul waxaa isku keenay waqtiga, oo ka duwan tii hore, iyadoo Fiqi yahay Wasiir heer Federaal ah, iyadoo uu helay wax ka wayn wixii kula dagaalay Hogaamiyaha Galmudug Qorqorna uu xiligaan yahay Agoon siyaaasadeed.

Fiqi ayaa loo xil-saarey isaga iyo Wasiiro kale soo dhaweynta Qoor-Qoor iyo Madaxda Maamullada, ee ka qeybgalaya Shirka berri ka furmaya Villa Somalia, oo Xasan Sheekh gudoomin doono.

Siyaasadda saaxiib ama cadow joogto ah midna ma lahan, inkastoo Beelaha Qumis xeerkaasi uusan kitaabkooda ku qorneyn, iyadoo dhaqanka iyo sunadda dowladnimada ay tahay in horey looga gudbo wixii shalay dhacday, si aan Mustaqbalka looga mashquulin.

212690cookie-checkDagaal Mindhicireed Adag Kadib Siyaasiyiinta Qumis Oo Wada Fariistay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com