Digniino Amaan Oo Laga Soo Saaray Dalka Kenya

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Digniino amaan oo ay soo saareen Hey’adaha Siroonada Reer Galeedka kuna aadan Falal ay qorsheeyeen kooxda Argagixisada Shababka ay ka geysan rabaan Dalka Kenya…

Digniintaan amaan ayaa looga digay Muwaadiniinta u dhashay Dalalka USA, France, UK iyo Holland ayaa lagu adkeeyay iney muujiyaan taxadar dheeraad kana baaqsadaan tagista Xarumaha Ganacsiga (Malls), Garoomada Diyaaradaha, Goobaha Cibaadada, Dugsiyada Waxbarashada, Maqaayadaha iyo Shabeemooyinka, Goobahaan oo halis u ah iney Bartilmaameedsadaan Kooxda Shababka.

Digniintaan ayaa timid kadib markii ay dhowr oo reer Galbeed ah ay soo saareen fariimo amaanka la xiriira waxeyna Muwaadiniintooda uga digeen iney xiligaan dhici karto falal argagixiso oo loo geysto danaha xarumaha reer Galbeedka, iyagoo si cad u sheegay iney Bartilmaameed noqon karaan Muwaadiniinta Dalalka kor ku xusan.

Boliiska Dalka Kenya ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu xoojinaayo Amaanka kadib digniinada Dalalka Reer galbeedka, iyagoo Ciidamo aad hubeysan ku xoojiyay xarumaha Dowlada iyo Gobaha Ganacsiga, iyagoo Shacbiga ugu baaqay feejignaan dheeri ah.

164620cookie-checkDigniino Amaan Oo Laga Soo Saaray Dalka Kenya