Dilal Qorsheysan Oo Shabaabku Ka Fuliyeen Mogadishu & Boosaso

Somalia news

Warar dheer ah ayaa laga helayaa Dilal Qorsheysan oo ay Kooxda Aragagixisada ka fuliyeen magaalooyinka Boosaso iyo Mogadishu labadii maalmood ee ugu dambeysay iyagoo khaarijiyay ilaa 6-Mas’uuliyiin, Saraakiil Ciidan iyo Wakiilo Ergo..

Kooxda Aragagixisada ayaa sheegtay iney fuliyeen Dilalkaasi, waxaana ka mid ahaa Agaasime Wasaaradeed, Madaxii Canshuuraha Degmada Madiina, Sarkaal Boliis ah iyo Wakiil Ergada Soo xuleysa Xulashada dadban kuwaasoo lagu khaarijiyay magaalada Mogadishu, halka Magaalada Boosaaso qarax garigooda loogu xiray lagu dilay 2-Sarkaal oo ka tirsanaa Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Madaxii kontroolka Bosaso, waxaana lagu dhaawacay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada oo lagu magacaabo Axmed Jaraale.

Kooxda Argagaxisada Shababka ayaa kordhisay Falalka dilalka Xambaarsan xiligaan kala guurka ah, iyagoo ka faa’iideysanaaya Khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Xulashada Dadban, ilaa hadda ma jirto war ka soo baxay Hey’adaha Amaanka.

164570cookie-checkDilal Qorsheysan Oo Shabaabku Ka Fuliyeen Mogadishu & Boosaso