Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Kooxaha argagixisada iyo kuwa u fududeeya ay maalmahaan ku maahquulsan yihiin qorshayaal qaraxyo iyo weeraro lagu qaado goobo ganacsi ( Hoteelo & Makhaayado), xarumaha Dowladda iyo Farsiimada Amisom iyo Ciidamada Dowladda Federaalka…
Xogtaan ayaa intaasi raacisay in Qorshahaan ayaa lagu wadaa in la fuliyo 3-4 maalmood ee food nagu soo heysa, iyadoo ay dhici karaan qaraxyo Waa-weyn iyo Ismiidaamin, kooxahaan ayaa la sheegay iney ku sugan yihiin gudaha Magaalada Mogadishu, iyadoo Dadka Shacbiga looga digaayo iney feejignaan dheeri ah muujiyaan.
Wararka ayas sheegaya in Kooxaha nabad diidka iyo kuwa la shaqeysta ay isla meel dhigeen sidii loo khalkhal gelin lahaa amaan iyo xasiloonada Caasimadda, kadib markii uu Fashilmay boobkii doorashada ee Muddo xileedkiisu dhamaaday.