Su’aal Weli Dul-hoganeysa Is-Fahamka Kenya-Somalia Oo Weli Jawaab Loo Heynin

Somalia news

Muran cusub iyo buuq ayaa weli dul-hoganaaya Is-fahamkii dhex maray Kenya-Somalia Ee ku aadanaa Muranka Xuduud badeedka Somalia, inkastoo Maxkamada ICJ ay xukuntay hadana, Waxaa buuq ka dhashay Hadal ka soo yeeray Madaxweynihii Dowladii KMG aheyd, xilli loo dabaaldegaayay guusha Dacwada Badda..

Inkastoo dhawaaqa Musharax Sheekh Shariif uusan aheyn mid cusub hadana waxaa micno u yeelaya wakhtiga uu ku soo aaday oo ah xilli ay Maxkamada ICJ soo saartay Xukunka Muranka xuduuda badda Somalia iyo Kenya una xukmisay Somalia.

Sheekh Shariif ayaa mar kale ku celiyay inuusan waxba kala socon xiligaasi Heshiiskii is-afgaradka ahaa Ee u dhaxeeyay Somalia iyo Kenya uuna saxiixa Wasiirkii Qorsheynta xiligaasi Cabdiraxman Cabdishakuur isaga uu ku amray Wasiirkii 1-aad Ee Dowladda KMG aheyd.

Qoraal jawaab ah oo uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka Cumar Cabdirashiid ayuu ku sheegay “ Sababo ku aadan bayaanin, Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu qeyb ka ahaa geedi socodka go’aan ka gaarista ee isfahanka sababay kala diwaanaanshaha kiiskeena, khatarta inkiraada waxey dhabaha u xaareysaa in Madaxweyne Farmaajo uu berri yiraahdo waxba kala ma socdo Xalqada Qalbi-dhagax iyo wax la mod ah.

145770cookie-checkSu’aal Weli Dul-hoganeysa Is-Fahamka Kenya-Somalia Oo Weli Jawaab Loo Heynin