Digniino Laga Soo Saaray Colaadaha..

Uncategorized


Salaadiinta iyo Odayaal dhaqanka ayaa ka digay qorshayaasha guracan ee Mr.Farmaajo ee uu ka wado Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Baardheere uuna ku uruursaday Maleeshiyaad u badan Beelo gaar ah, si uu dagaalo beeleedyo uga bilaabo Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Odayaashaan ayaa sheegay inay si cad uga soo horjeedaan hogaaminta MW Farmajo ee dalka, iyagoo eedeeyey inuu hurinayo dagaal qabiil oo beelaha Sede (Mareexaan) iyo Kuumade (Ugaadeen iyo Jidwaaq) ka dex qarxa, kuwaasoo isugu taga beesha  Kablalax Daarood.

Odayaashaan ayaa tusaale ahaan u soo qaatay Go’aanada khaladan ee uu gaaray Mr.Farmaajo

-Xarigii jir-dilka xambaarsana iyo u gacangelintii Cadowgii uu la dagaalamayey ee Muwaadinka Cabdikariin Sh Muuse Qalbidhagax oo ay soo afduubeen ciidan NISA ee Farmajo, Kheyre iyo Fahad ka amar qaata

-In Halganka OLNF ee ay dowladda Somaliya ku shaabadeysan inuu yahay Argagixiso uu  ahaa gef loo gestay dhammaan beesha oo aan walgend Argagixiso noqon in la dagaalanto mooyaan

-Ciidanka, Hubka, iyo Saannadda uu hadda ku daabulayo gobolka Gedo ee uu ka soo jeeda MW Farmajo iyo qoyskiisa ay la iman donto cawaaqib xun.

Salaadiintaan oo aad uga carooday talaabooyinkaasi ayaa si bareer ah u sheegay inay ka aarsan doonaan MW Farmajo walow ay ka warwareegeen inuu xaalku qabiil yahay, haddabna waxaa halkaas ka soo muuqata inay aano qabiil ka bilaato oo mar kale keento inay beelo walaalo ah  oo wada degaa is dilaan, hogaan xumada Madaxweynaha ay Beesha Caalamka indha ka qarsato si ay danaheeda uga fushato.

 Waxeyna soo jeediyeen:-

  1. In Golayaasha Sharci dejinta ay qaataan Mas’uuliyida ka saaran dalka, tallaabada ku haboon uu ka qaataan.
  2. Beesha Caalamka inay fahamto in ku daawashada tacdiga uu sameynayo Farmajo ay tahay arrin u baahan ln la iska arko, tan oo keeni karto dagaal sokeeye.
  3. Inay Farmajo ka aarsan doonaan oo aysan maxkamd la aadeyn, waxayna ku goodiyeen “Nin aan arrasan uurka hooyadii buu ku jiraa”.

Digniin

Marka la eego waxa ay hadda dowladdu ka wado Galmudug oo ah runtii wax ay ka soo socoto dhibaato weyn oo keni karta dagaallo sokeeye.  Marka la eego  Waxa kadhacaya Xamar oo dhibaato dhinac walba ah, jid kasta oo xeran, canshuurta oo la sii kordhinayo si joogto ah waxna aan shacbiga loogu qaban balsa lagu dumiyo maamullo dhisan, waxa hadda laga wado gobolka Gedo oo lagu sii daldalayo ciidamo, hub iyo sanaad si loogu carqaladeeyo Jubbaland iyo ku tumashada xuquuda dadka Somaliyeed iyadoo Barlamankii iyo Beesha caalamka ay ka aamusan yihiin waxay dhalin doontaa khater uu dalka mar kale galo.

Dhinaca kale aaway Mucaaridkii oo aan wax war ah ka soo saarin falfalxumada ka socota Galmudug waxayna ku tuseysaa inuusan dalka ka jirin mucaarid dhaama dawladda oo arki kara khatertaan ama wax dan kale dalka,  balsa buuqooda aad ka joogi wey doonto marka ay doorashada soo dhawaato. Mucaaridka waa kan dowladda mar waliba la xisaabtama oo dadka ku baraarujiya waxa ay dowladda Khaldeyso iyo sida loo sixi karo.

14100cookie-checkDigniino Laga Soo Saaray Colaadaha..