Dhalinyaro ku Geeriyoodeen Shil Gaadiid oo ka dhacay Duleedka Magaalada Hargaysa

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya Saddex dhalinyaro ah, ayaa ku geeriyoodeen shil Gaari oo shalay galab ka dhacay duleedka magaalada Hargaysa, iyadoo la sheegay iney aad u soo kordhayaan shilalka Gaadiidka..

Saddexda dhalinyarada ah oo wada rag ahaa isla markaana ahaa saaxiibo, ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdisalaan Cismaan, Faysal Muxumed iyo Axmed Maxamed Xasan, Shilka ayaa dhacay kadib markii ay isku dhaceen baabuur xaajiyad 4WD ah iyo baabuur nooca yar yar ee  vitz-ta loo yaqaan ah.

Shilalka ayaa sannadkasta xiliyada munaasibadaha ciidaha nafo badan ku galaafta Somaliland, madaama oo dhalinyaro tiro badani ay safaro ugu kala baxaan gobolada kala duwan ee Somaliland, kuwaasi oo qaarkood baabuurta si xawli ah u wadaan.

199660cookie-checkDhalinyaro ku Geeriyoodeen Shil Gaadiid oo ka dhacay Duleedka Magaalada Hargaysa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com