CCTV-da NISA Wadooyinka Ku Xirtay Oo..

Uncategorized

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya qaraxyo is-daba joog ah oo saakay aroortii hore ruxay wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Tiro jug ah oo is xig xigtay ayaa 5-tii subaxnimo ee saaka laga maqlay Magaalada Muqdisho, iyadoo aanu dadku kala garan inay qaraxyo yihiin iyo inay ahaayeen hoobiye-yaal la soo tuuray.

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxyadan laga helaayana waxay sheegayan inay ahaayeen kuwo lala bartilmaameedsaday kaamirooyinka wax duuba, ee ay hay’adaha ammaanku ku xireen Wadada Maka Al Mukarama.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in qaraxyada lagu burburiyay qaar ka mid ah baalooyinka ay ku xiran yihiin kaamirooyinka CCTV-ga loo yaqaano, ee xaaladaha amniga lagula socdo.

Goobjooge-yaal ayaa sheegay in qaraxyada qaarkood lala eegtay tiro kaamirooyin ah oo baalahoodu ku kala yaalo Isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha. Qarax kale ayaana la soo wariyay in lagu burburiyay baalaha ku yaala Isgoyska Hawlwadaag ee kaamiradan ay ku xirneyd.

13950cookie-checkCCTV-da NISA Wadooyinka Ku Xirtay Oo..