Digniino Laga Soo Saaray Khilaafka Doorashada

Somalia news

Waxaa sii kordhaaya cabsida laga qabo in Khilaafka hareeyay Guddiyada Doorashada iyo kuwa Khilaafaadka ay ka faa’ideystaan Horjoogayaasha Kooxda Shababka, iyadoo kooxdani ay dejisay Stratejiyad ay ku wiiqeyso hirgelinta Doorasho wadar oggol ah, waxeyna ka faa’iideysaneysaa Khilaafka Doorashada….

Qormo ciwaan looga dhigay “cabsida weeraradda Shabaabka soo sii kordhaya kahor doorashooyinka dib-u-dhacay ee Somalia” waxaa qoray Cabdullaahi Cabdile Shaadow, oo la sheegay in uu yahay baarey madax-banaan, sida lagu daabacay Warsidaha Worldpoliticsreview.

Warbixinta oo madaxda Soomaalida ugu baaqdey in ay ahmiyadda koowaad siiyaan xalinta khilaafaadka ka taagan guddiyada doorashooyinka iyo sugida ammaanka ayaa ka digeysa in xoogaga hubeysan ay ka macaashto khilaafka.

Bishii lasoo dhaafay, Kooxda Shabaab ayaa caasimadda Muqdisho ka geysatay saddex weeraro culus kuwaasoo kuwaasoo badankooda ay ku geeriyoodeen dad shacab ah.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, weeraradan oo si lamid ah dhacay intii loo diyaar-garoobayey doorashooyinkii 2016-kii kuwaasoo inta badan lagu beegsaday ergooyinka dooranaya Xildhibaanada ayaa sii kordhi kara maalmaha soo aadan.

Faaladda ayaa lagu soo xigtay hadal uu sheegay Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya kaasoo ahaa in ay Xildhibaanimo isku soo shareen “xubno ay wadatay” maleyshiyadda hubeysan.

“Al-Shabaab waxay u muuqataa mid kaliya aan u socon in ay carqaladeyso geedi u socodka coddeynta iyaddoo adeegsaneysa rabashado balse waxay sidoo kale goobeysaa in ay doorashooyinka u dhacaan sidday dooneyso,” ayaa qoraagu raaciyey.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa kal hore waxay caddeysay in hadii doorashooyinka soo aadan lagu galo hanaanka qabiilka ee 4.5 ay soo bixi karaan Xildhibaano Al-Shabaab ah maadaama ay kal hore sii xareysatay odayaasha.

Horjoogayaasha kooxda Shababka ayaa sanadkan la rumeysan yahay inay ka dhaqaale buuran u soo xaroodeen baada ay ka qaadaan Ganacsatada iyo Shacbiga. Warbixino ay soo saareen Hay’addo cilmi-baaris waxaa lagu xusay in ay uruursatay 80 milyan Doolar, taasoo sii kordhineysa casbida in ay saameyn yeelato.

77570cookie-checkDigniino Laga Soo Saaray Khilaafka Doorashada