Suuq-geynta Shidaalka Dalka & Muranada Ku Gedaaman

Somalia news

Magaalada Dubai Dalka UAE ayaa 4-tii maalmood ee ugu dambeeyay waxaa ka socday Shir loogu suuq geynaayay Kheyraadka Dalka, iyadoo ay Shirkaasi ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiinta Wasaarada Macdanta iyo Maamulada Gobolada qaarkood, inkastoo ay ka soo horjeesteen Maamulka Puntland…

Macluumaadka Kheyraadka Dalka oo muddo dheer muran badan ka taagnaa xal waaraan aan laga gaarin, ku darsoo Waxaa jira arrimo badan oo ay isku haystaan Farmaajo iyo Axmed Madoobe, balse boobka lagu hayo kheyradka dalka ayey ka mideeysan yihiin, waxaana tusaale kugu filan Wafdiga ka socda DF iyo Jubbaland oo ku sugun Shirka lagu xarashayo shidaalka Somalia oo wali ka socda dalka Imaraadka.

Maamulka Puntland waa Maamul goboleedka keli ee diiday, kana horyimid Shirka ka socda Imaaradka ee lagu xarashayo Shidaalka Somalia, halka maamulka Jubbaland ee Axmed madoobe iyo Dowlada Federalka ay wafdi u direen Shirka si kheyraadka Somalia loo xaraasho, gacantane loo galiyo Shirkadaha shisheeye, iyadoo laga digay in Xiligaan kala guurka ah laga faa’iideysto oo la boobo Kheyraadka Dalka.

150430cookie-checkSuuq-geynta Shidaalka Dalka & Muranada Ku Gedaaman