Digniin Laga Soo Saaray Qorshe Weerar Oo Ku Wajahan Jowhar

Somalia news

Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hir-Shabelle oo looga diyaar garoobayo Doorashada Aqalka Sare ka soo geli doona Degaanada maamulkaasi ayaa waxaa ka taagan cabsi la xiriirta weeraro kaga yimaada Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka ee ka dagaalama Somalia..

Ilo wareedyo loo qaateen ah oo laga helay Saraakiisha Amaanka oo ka tirsan Laamaha Amaanka dowlad Goboleedka ee Hir-Shabelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay helaan xog tilmaameysa inay Kooxda ka tirsan Maleeshiyaadka Shaababks ay maleegayso weeraro argagaxiso inta lagu guda jiro doorashadda Aqalka Sare.

Magaalada Jowhar oo qiyaastii 90-KM dhanka waqooyi uga beegan Caasimadda, ayaa waxaa xilligaan ku sugan Musharixiin badan oo isku diyaariyay doorashadda 8-da Kursi ee Hir-Shabelle lo qoondeeyay.

140350cookie-checkDigniin Laga Soo Saaray Qorshe Weerar Oo Ku Wajahan Jowhar