Dilalka & Afduubyada Soomaalida Kenya Ku Nool Oo Kordhay

Somalia news

Waxaa labadii bilood Ee ugu dambeysay aad u soo kordhaayay falal xambaarsan hanjabaado, Afduub iyo Dil oo loo geysanaayo Muwaadiniinta Soomaalida Ee ku nool Magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ee Dalka Kenya, iyadoo Hey’addaha Amaanka Kenya lagu eedeeyay iney ku lug leeyihiin…

Ilo wareedyo Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in in ilaa 8-10 qof la afduubtay kadibna la Dilay, waxaana la sheegay In falalkaan lagu beegsanaayo Muwaadiniinta Soomaalida Kenya ay qaarkood ka dambeeyaan Saraakiisha Amaanka iyo arrimo la xiriira Khilaafka labada Dal.

Gabar 23 jir Somali ah ( Xafsa Maxamed Luqmaan) iyo Gabar kale, (Xafsa Cabdulwahaab) ayaa laga wada afduubtay xaafadda California Estate ee magaalada Nairobi ayaa kooxda haysata waxay dalbadeen lacag madax furasho oo dhan 5-million oo shilling-ka Kenya ah, una dhiganta 46,000 oo dollar, sida uu weriyey wargeyska The Standard.

Gabadhaan ayaa maalintii Talaadadii 15-kii June laga waayey dukaan lagu iibiyo kabaha oo ay ku laheyd xarunta ganacsiga Kamukunj ee Islii, Afduubtayaasha waxay markii ugu dambeysay noo soo direen farriin qoraal 16-kii bishan oo aheyd Arbacaduu, waxayna sheegeen inay doonayaan madax-furasho,” waxaa sidaas wargeyska The Standard u sheegay Cumar Ibraahim oo ah dumaashiga Xafsa.

125140cookie-checkDilalka & Afduubyada Soomaalida Kenya Ku Nool Oo Kordhay