Safaarada USA Ee Mogadishu Oo Digniino Soo Saartay

Somalia news

Saraakiisha Safaarada Mareykanka ee Magaalada Mogadishu ayaa soo saartay digniino la xiriira amaanka waxeyna ugu baaqeen Muwaadiniinteeda inay maalinta Jimcaha ka fogaadaan Daljirka Daahsoon, oo ah goobta la filayo inuu ka dhaco dibad-baxa ay qorsheeyeen Musharixiinta Mucaaradka Somalia…

Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay “Marka la eego halista dambiyada rabshadaha wata iyo kacdoonka shacabka, muwaadiniinta Mareykanka waa inay ka dheeraadaan dibad-baxyadan iyo dhaq-dhaqaaq kasta oo dibad-baxa la xiriira.”

Safaaradda ayaa muwaadiniinteeda u jeedisay talooyin ay ka mid yihiin inay ka fogaadaan goobtaas, la socdaan wararka warbaahinta gudaha, ka dheeraadaan meelaha dadka badan oo aysan is-muujin, ayna gacanta ku haystaan baasabooradooda si ay u u tusi karaan haddii loo baahdo.

95790cookie-checkSafaarada USA Ee Mogadishu Oo Digniino Soo Saartay