Diyaarad Ka Soo Duushay Kenya Oo Ku Dhacday Somalia

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka diyaarad sidday rakaab oo kasoo ambabaxday magaalada Nairobi ay shil ku gashay garoon diyaaradeed oo ku yaalla degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi Gedo…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Diyaaraddan oo uu nooceedu yahay 5Y-GRS ayaa waxaa iska leh Skyward Express oo ka diwaan gashan Kenya, waxaana la sheegay inay ku sii jeeday dhanka degmada Elwak ee is-maamulka Mandera, sida ay shaaciyeen ilo dadka deegaanka ah.

Diyaaradaan ayaa waxaa la socday 45-ruux sida ay Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyeen ilo kala duwan, iyadoo la sheegay in 7-ruux oo ah Rakaabka Diyaaradda dhaawac uu soo gaaray sida ay ku ogaadeen natiijada hordhaca ah oo ay ka heleen shirkaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in garoonka shilka uu ka dhacay muddo u xirnaa khilaaf dhanka maamulka ah, waxaana loo badinayaa in sababta ciladda keentay ay qayb ka tahay.

130660cookie-checkDiyaarad Ka Soo Duushay Kenya Oo Ku Dhacday Somalia